Sabuurradii 130:1-8 SOM2008 - Bible AI

1Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

2Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.

3Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?

4Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed.

5Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.

6Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.

7Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.

8Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.

cle>